LIX MEYD OO AFRIKAAN AH OO BADDA YEMAN SOO TUFTAY.
(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL AFRIKAAN.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in lix meyd oo Afrikaan ah soo galooti ah oo Qurmay laga soo helay Xeebta AL-Khokha,laba Meyd ah oo kale ayaa laga soo helay Xeebta AL-Xeyma iyo laba kale oo meyd ah ayaa iyagana la soo helay Xeebta AL-Wacra,halka mid ka mida meydadka meydkiisa laga helay Xeebta Abu Zahra iyo mid kale oo laga helay meydkiisa Xeebta AL-Qadhaaya. Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Yeman ayaa shaacisay in ciidamadda amaanka ee degmada AL-khokha ee Gobolka Xudeyda ee galbeedka dalka Yeman ey xeebta ka soo heleen tahriibayaal ka yimid Geeska Afrika oo doontii ey la socdeen ey kula degtay badda. War qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta hayadaha amaanka habeenkii xalay oo Khamiis ahayd lagana soo xigtay booliska Khokha ayey Wasaaradda arrimah gudaha ee Yeman ku sheegtay in lix meyd ey badda soo tuftay lagu arkay xeebta,meydadkaan la helay eyna badda soo tuftay ayaa laga soo kala helay goobo kala gedisan kana mid ah xeebaha ku teedsan Badda Cas gaar ahaan Gobolka Xudeyda ey hadda gacanta ku hayaan kooxda Xuutiyiinta.
ISHA/SB-MEDIA.