LABA QOFOOD OO KU DHIMATAY BANAANBIXI B/WEYNE.

(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY BELED WEYNE SAAKAY.

(BELEDWEYNE)-Tan iyo markii ey ciidamadda amaanka caasimadda Muqdisho ey xabsiga u taxaabeen Dhamme Sheegaw Axmed Cali horaantii todobaadkan waxaa bilawday banaanbaxyo lagu taageeraayo sii deynta Dhamme Sheegaw laguna dalbanaayo cadaalad u helidiisa. Shalay oo Axad ayey ahayd markii uu banaanbax aan dad ku dhiman uu ka dhacay Muqdisho balse ey ku burburtay hanti ey iska leeyihiin dad shacab ah iyo wadooyinkii lagu dhisay iskaa wax u qabso uu iyagan burbur soo gaaray,hadaba maanta oo Isniin ah ayaa banaanbax la mida midkii shalay ka dhacay Muqdisho uu ka kala dhacay degmooyinka Jawgar ee G/shabeelada dhexe iyo B/weyne ee G/hiiraan,laba qofood ayaa ku geeriyootay banaanbixii ka dhacay B/weyne halka kan Jawhar ey ciidamadda amaanka kala eryeen dadkii banaanbaxaayey.

ISHA/VOA.

HALKAN KA AKHRISO.

Previous
Previous

DAGAALKA SUDAN MA LEEYAHAY DHAMMAAD?

Next
Next

DEGAANKA WABXO OO LAGA XUREEYEY ALSHABAAB.