LABA HAWEEN OO MUSLIM AH OO LOO XUKUMAY..
(SAWIRKA)-JAMILA CLARK.
(NEW YORK)-Booliska magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa lacag dhan ilaa $17.5-Milyan oo doolarka Maraykanka ah ayuu ku bixinayaa dacwad ey ka soo gudbiyeen laba haween oo Muslimiin ah kuwaaso lagu qasbay iney Xijaabka siibaan mar ey sawir ka qaadaayeen booliska laga shakisan yahay ee magaaladda New York. Dacwadaan oo mudeysneed sannadkii 2018-kii ayaa lagu sheegay in xuriyadda diimeed ee Jamila Clark iyo Ariwa Aziz meel looga dhacay sidoo kalane arrimahooda u gaarka ah meel looga dhacay. Sida laga soo xigtay Qareenada in ka badan 3.600-qofood ayaa laga yaabaa iney helaan lacagta sida la qorsheeyey,siyaasadda booliska ayaa ogolaatay in sawir lagu galo Xijaabka afar sano ka hor,maamulka magaaladda New York ayaa sheegay in kiiskaan uu albaabka u furay in isbedel toos ah la sameeyo.
ISHA/BBC.