LA HAYSTE MARAYKAN AH OO GEERIYOODAY.
(SAWIRKA)-GADI HAGGAI IYO XAASKIISA JUDI WEINSTEIN.
(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in la haystihii ugu horeeyey oo Maraykan ah ayaa dhintay isagoo afduub ahaan ey u haystaan Xarakadda Xamaas ee ka dagaalanta Marinka Gaza,sidaas waxaa maanta oo Jimca ah sheegay Golaha Qoysaska dadka la Haysto. Gadi Haggai oo 73-jir ayaa Xarakada Xamaas ee reer Falastiin waxa ey ka afduubeen Kibbutz Nir OZ bishii Oktoobar todobadeedii waqtigaaso uu dhacay weerarkii ey Xarakada Xamaas ugu magac dartay Duufaantii AL-Aqsa,Gadi waxaa lala afduubay xaaskiisa Judi Weinstein oo 70-jir ah. Faahfaahinta ku saabsan sida uu u dhintay iyo goorta rasmiga ah ee uu dhintay Gadi ayaan madashu la wadaagin warbaahinta mana eysan bixin macluumaad dheeri ah kuna saabsan sida ey ku heleen xogta ku saabsan dhimashada Haggai. Waxaa la rumaysan yahay in meydka Haggai ey gacanta ku hayaan Xarakadda Xamaas ee ku sugan Marinka Gaza eyna wehliso xaaskiisa. Madashu waxa ey xustay in inta u dhexeyso 5 ilaa 10 Maraykan ah ey u afduuban yihiin Xarakada Xamaas.
ISHA/AA.