KOOXDA TAALIBAAN OO SOO BANDHIGTAY…
QABRIGII AASAASIHII TALIBAAN MULLA CUMAR.
(ISLAMABAD)-Kooxda Taalibaan ee hadda maamusho dalka Afgaanistaan ayaa shaaca ka qaaday goobta uu ku aasan yahay aasaasahoodii Mulla Cumar sagaal sano ka dib dhimashadiisii,sidaa waxaa laga soo xigtay masuuliyiin sar sare oo tirsan kooxda Taalibaan.Waa markii ugu horeysay eey hogaamiyeyaal sar sare kana tirsan kooxda Taalibaan ey maalintii shalay oo ahayd Axad si cad oo aan qarsoodi lahayn u booqdaan qabrigii aasaasohoodii Mulla Cumar kaaso lagu aasay degmada Surri ee gobolka Zabuli eeyna soo saareen Video muujinaayo goobta lagu aasay hogaamiyihii aasaasay Taalibaan Mulla Cumar.
ISHA WARKA AA.