KOOXDA DACISH OO SHEEGATAY WEERARADII KAMPALA.
(UGANDA):Idaacad laga leeyahay dalka Jarmalka ee la yiraahdo DEUTSCHE WELLE(DW) qeybteeda ka hadasha arrimaha Qaaradda Afrika ayaa isweydiisay su’aasha ah”Waa kooxdee tan ka dambaysay weerarkii bambo ee ka dhacay dalka Uganda?”.Koxda Daacish ayaa maanta oo Arbaca ah(17/11/2021)-ka sheegatay weeraradii isu dhawaa ee loo adeegsaday bambooyinka ee shalay ka dhacay caasimadda dalka Uganda ee Kampala,waxay kaloo kooxda Daacish maanta sheegtay magacyadda kuwii fuliyey werarada halka booliska dalka Uganda uu la xiriiriyey weeraradii shalay ka dhacay Kampala kooxda ka dagaalanta xuduudka u dhexeeyo dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga Koongo(DRC).
Kooxda Daacish oo ka hadashay weeraradii shalay ka dhacay magaaladda Kampala ee dalka Uganda ayaa sheegtay magacyada ragii fuliyey weerarada,weerarkii koobaad ee ka dhacay goob baabuurta lagu baaro(Checpoint) eeyna ku sugnaayeen ciidamo boolis ah kuna dhaweed saldhig boolis ayaa waxaa isku qarxiyey naftii halige eey kooxdu magaciisa ku sheegtay ABU SABRI AL-UGANDI,waxay kaloo kooxda daacish sheegtay magacyada labadii kale ee iyana isku qarxiyey agagaarka dhismaha baarlamaanka dalka Uganda waxayna kala yihiin(1)-Abu Shaahid Al-ugandi.(2)-Abu Cabdiraxmaan Al-ugandi.ISHA DW.