KOOXAHA XAGJIRKA EE AFRIKA OO…

ALSHABAAB.

(NAIROBI)-Sida aan la wada socon waxaa soo badanayo kooxaha xagjirka ah ee ka hawlgala Qaarada Afrika waxa eyna hadda ku sii fidayaan dalal wadamadda galbeedka Qaaradda Afrika iyo dhulka ka hooseeyo saxaha,sababta keentay in kooxahaan xagjirka ah ugu fidaan Qaaradda Afrika ayaa waxaa soo baaray hayad ka tirsan Qaramada Midoobay. Ku xadgudubka Xuquuqul Insaanka ey sameeyaan ciidamadda Amaanka ee wadamadda Qaaradda Afrika iyo dhaqaale xumidda ka jirto Qaaradda Afrika ayaa ah labada sababood ee ugu waa weyn ee u sahla kooxaha xagjirka ah ineey qortaan Maleeshiyaad ka barbar dagaalama gudaha Qaaradda Afrika,sida lagu sheegay baaritaan la sameeyey. Baarayaasha sameeyey baaritaankaan ayaa ka tirsan Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Horumarinta(UNDP),inta ey socotay xog ururinta ayey baarayaashu waraysteen dad gaarayo kun qofood kuwaso xogogaal u ah qaabka ey kooxaha Xagjirka ah ee ka jiro Qaaradda Afrika u qortaan dagaalyahano u dagaalmo,sideed dal oo tirsan Qaaradda Afrika oo daraasad lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday in kooxaha xagjirka qortaan maleeshiyo u dagaaalanta ayagoo kaga faa’idaysanaayo dhibaatada dhaqaale ee haysato iyo nacaybka ey u qabaan ciidamadda amaanka ee dalalkooda,warbixinta la soo saaray ayaa loogu magac daray”SAFARKII XAGJIRNIMADA”.

ISHA WARKA THE GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

KOLONYO MACAAWINA AH OO GAARTAY…

Next
Next

RUUSHKA OO BIXIYEY GANTAALKII LAGU SOO…