KHAYRIYA:DIB AYAA LOO DHIAGY DACWADII”…
(SAWIRKA) WIILASHA LOO HAYSTO DEMBIGII A DHACAY BOOSAASO.
(PUNTLAND)-Maalmo ka hor waxaa degmada Boosaaso ee caasimadda u ah Gobolka Bari ee maamulka Puntland ka dhacday arrin aad loola argagaxay eyna sameeyeen dhallinyaro sheeganaysa in la aflagaadeyey Oday Dhaqameedkooda,dhallinyaradaan ayaa weerartay guri ey degan yihiin qoys danyar ah kana soo jeedo Qabiilada la Hayb sooco. Sawiro la soo dhigay baraha bulshada ayaa la arkaayey wiil yar oo dhafoorka kab loogagala istaagayo iyo laba qofood oo da’a ah oo ayagana lagu handadayo dil,hadaba Khayriya Maxamed Cali Afweyne ahne gabarta ey ka soo bilaabatay colaada keentay in la weeraro qoyskeeda ayaa u warantay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxa eyna sheegtay Khayriya in maanta loo balansanaay in dhallinyaradii gaysatay dhibka ka soo hor muuqdaan Maxkamada balse aan la keenin waxaane la sheegay in Maxkamada la horkeeni doono maalinta Axada ah kuna beegan(11/6/23)-ka. Dib u dhiga dacawdaan ayaa dad badan shaki ka qabaan waxa eyna leeyihiin maamulka Puntland daacad kama aha kiiskaan.
ISHA WARKA BBC-SOMALI.