KENYA OO RABTA INEY WAX KA BEDESHO HOGAANKA EAC.

(SAWIRKA)-CALANKA URURKA BULSHADA BARIGA AFRIKA.

(NAIROBI-KENYA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in dawladda Kenya ey ku hawlan tahay sidii ey u bedeli lahayd Xoghyayaha Ururka Bulshada Bariga Afrika Peter Mathuki oo u dhashay dalka Kenya. Talaabadaan ayaa laga yaabaa in loo tarjunto iney tahay dib u dhac siyaasadeed ka dib markii ey dawaladda Kenya ey u magacawday Carolina Mwende Mueke iney noqoto Xoghayaha Guud ee Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) laba maalmood uun ka hor iyadoo la filaayo in Carolina loo dhaariyo xilkaas. Midaas bedelkeed Xukuumadda Narirobi ayaa sheegtay Isniintii shalay ahayd iney soo bandhigi doonto in Veronica Mueni Nduva iney noqon doonto Xoghayaha Guud ee xiga ee Ururka Bulshada Bariga Afrika(EAC) ka hor shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiiradda ee EAC-da uu yeelan doono maanta oo Talaada ah Gelinkeeda dambe. Nduva waa Xoghaye maamulka ee Waaxda waxqabadka iyo Maareynta Bixinta ee Wasaaradda Adeega Dadweynaha waxa eyna Nduva ey ka soo jeedaa Gobolka Machakos oo la magacaabay bishii Maarso-2024-ka,Nduva waxay ku dhalatay magaaladda caasimadda ah ee Nairobi balse waalidkeed waxa ey ka soo jeedaan Maamul goboleedka KITUI.

ISHA/EA.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO QARAMADA MIDOOBE KA DALBATAY…

Next
Next

TALIYE KU-XIGEENKA BOOLISKA S/G.ZAKIYA OO…