KENYA OO 30-SANO KU XUKUNTAY NIN LABA KAARLE AH.

(SAWIRKA)-JACKTON JACOB KANOTI-MAGACIISA FAGARADKA C/XAKIIN.

(KENYA)-Maxkamad ku taalo Busiya ee dalka Kenya ayaa ku xukuntay nin looga shakisan yahay aragagixisonimo 30-sano oo xarig ah ku dhawaad 18-bilood ka dib markii ey bilawday dhegaysiga dacwad ninkaan sannadkii 2021-kii. Jackton Jacob Kanoti oo oo yaqaan C/xakiim ayaa lagu xiray Siya xiriirkiisa uu la leeyahay kooxaha Alshabaab iyo Daacis. “Waqtiga la soo xiraayey Jackton waxaa laga helay agabyo la xiriiro falka araggixisonimo iyo sidoo kale telefoonadda gacanta oo uu ka heli jiray macluumaadka la xiriira argagixisanimo isagoo isticmaaalya muuqaalo iyo sheekeysi kooxo telegaraamka isticmaal oo kala duwan”ayuu yiri madaxa dembi baarista Kenya(DCI). Maxkamadda Busiya waxa ey ku dooday in cadaymaha la horkeenay kursiga keydka ey cadeeyeen in Kanoti uu yahay nin galay dembiga lagu soo eedeyey. “Maxkamadu waxa ey si aan shaki ku jirin u xaqiijisay in cadaymaha ey soo bandhigtay Xeer Ilaalinta ey ahaayeen kuwo lagu kalsoonaan karo oo joogta ah si loo xukumo,sidaas darteed waxay Maxkamadu ku xuntay Eedeysanaha muddo dhan 30-sano oo xabsi ah”sidaa waax yiri DCI-da Kenya.

ISHA/CITIZEN-KENYA.

Previous
Previous

SARAAKIISHA AMNIGA PUNTLAND OO WAJAHAYA EEDEYMO CULUS.

Next
Next

RW-XAMSE CABDI BARRE OO SHIR GUDOOMIYEY…