(KAMPALA)-SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA…
(SAWIRKA)-WASIIRADDA BEERAHA AFRIKA.
(KAMPALA-UG)-Wararka laga helaayo caasimadda Kampala ee dalka Ugandha ayaa sheegaayo in Wasiirka Beeraha ee XFS Md.Maxamed Cabdi Xayer Maareeye uu maanta halkaasi uga qeybgalay shir looga hadlaayo Istaraatiijiyadda Beeraha ee dalalka Xubnaha ka Ururka Midawga Afrika. Shirkaan ayaa qeyb ka ah Shir Madaxeedka Ururka Midawga Afrika kaaso dhawaan ka dhici doona Kampala,shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa Istaraatiijiyadda dhinaca Amniga Cuntada ee Tobanka sano ee soo socoto(2026 - 2035),Wasiir Maareeye,waxaa shirka ku wehliya masuuliyiin ka socoto Safaaradda Soomaalidda ee Kampala eyna ugu horeyso Safiiradda Marwa Fardawsa Maxamed Qanyare Afrax. Wasiiradda dalalka Afrika ayaa shirka ka soo jeedin doono talooyin ku aadan in Beeraha iyo Tacbashadooda loo qoondeeyo10% Miisaaniyadda dalka walba si kor loogu qaado wax soo saarka,talooyinka ka soo baxa shirka ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo Madaxweynayaasha dalalka Afrika kuwaaso todobaadka soo socdo shir ku yeelan doono magaaladda Kampala. Dhinaca kale,Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Md.Maxamed C/qaadir Cali ayaa dalka Kuweyt waxa uu uga qeybgalay shirka Gudiga Sare ee Machadka Qorsheynta Carabta(Arab Planning Institute) ee sannadkan 2025-ka. Shirka ayaa lagu gaaray go’aamo muhiim ah oo kor u qaadaayo awooda Machadka taaso ku aadan daboolidda baahidda Qorsheynta Wadamada Carabta, waxaa sidoo kale kulanka lagu Ansixiyey Misaaniyadda iyo Qorshaha shaqo ee Machadka sannadka 2025-ka taaso saldhig u noqon doonta iskaashi horumarineed oo waxtar leh. Dalka Soomaaliya ayaa si joogta ah waxa uu uga dhex muuqdaa Gudiyadda iyo hawlaha Machadka taaso muujineysa sida ey Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta yoolalka horumarineed ee Qaranka iyo kuwa Gobolka. Wasiiradda Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuql Insaanka ee XFS Marwa Khadiija Maxamed AL-Makhzoumi ayaa maanta Xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Dawladda Ingiriiska u fadhiya dalka Soomaaliya Md.Micheal, kulanka oo Wasiiradda uu ku wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md.Maxamed Bashiir Cumar ayaa looga hadlay hawlaha horyaalo Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuql Insaanka ee XFS,iyadoo Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya Mr.Micheal uu soo dhaweeyey magacaabista Wasiiradda isla maraasne uu balan qaaday iney la shaqeyn doonaan. Dhinaceeda Wasiirad AL-Makhzoumi ayaa ka mahacelisay taageerada dalka Ingiriska siiyo dalka Soomaaliya,waxa eyna sheegtay in hawlaha Wasaaradda horyaalo ey yihiin kuwa qabashadooda ey ka go’an tahay isla markaasne ey diyaar u tahay eyna soo dhaweyso cid walba oo kaalin ku yeelaneyso.
ISHA-SNTV.