JUULIYAAN ASAANIJ OO LOO DHIIBAAYO MARAYKANKA.
(UK)-Maxkamada ku taalo daka Ingiriiska ayaa maanta oo Arbaca ah(20/4/22)-ka ogolaatay in dalka Ingiriiska dhiibo Juliyaan Asaanij una dhiibo dalka Maraykanka waqti aan la sheegin,ninkaan ayaa ah aasaasihii barta loo yaqaan WIKILIKSI.Juliyaan ayaa ah nin jiro 50-sano waxa uuna u dhashay dalka Awstaraaliya,sababta keentay in ninkaan loo dhiibo dalka Maraykanka ayaa ah in dalka Maraykanka ku eedeynaayo inuu yahay Jaasuus sidaas darteedna ey tahay in lagu maxkamadeeyo gudaha dalkaas Maraykanka.Juliyan ayaa soo bandhigay 700-gal eey ku jiran dukumintiyo sir ah sannadkii 2010-kii dukumintiyadaas ayaa ku saabsanaay siyaasadda,ciidamadda iyo dagaalka Maraykanku ku qaaday dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan,haddiise eey dhacdo in Juliyan la keeno dalka Maraykanka waxa uu wajihi doonaa xarig aad u dheer kaaso dhan 175-sano.
XIGASHO ARABICPOST.