JARMALKA: ASKERI BOOLIS AH OO U GEERIYOODAY DHAAWICII SOO GAARAY.
(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.
(GERMANY)-Askeri Boolis ah ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray ka dib uu soo dhexgalay weerar Mindi loo adeegsaday oo horaantii todobaadkan ka dhacay isu soo bax ka dhan ah Islaamka. Waxa uu koomo ku jiray oo uu dhaawac ka soo gaaray Madaxa iyo Dhabarka. Sarkaal ka tirsan Booliska Jarmalka ayaa u dhintay dhaawicii soo gaaray ka dib markii dhawr jeer lagu dhuftay Mindi isagoo isku dayaayey inuu qof ka saaro weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay Mannhein Jimcihii,Booliska iyo dacwad oogayaasha ayaa bayaan wadajir ah u soo saareen Galabnimadii Axada,sarkaalka oo 29-jir ah ayaa la geeyey isagoo dhaawaca ah ka dibne waxa uu galay Koomo. “Waxa uu galay Qaliin deg deg ah isla markiiba dembiga ka dib,waxaane la dhigay qolka la dhigo dadka miir daboolmo,waxa uuna ugu dambayntii u geeriyooday dhaawacii cuslaay ee soo gaaray galabnimadii Axada bishuna ahayd 2/6/24-ka”ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah. “Waan u barooraneynaa askeriga Booliska ah oo naftiisa u huray anagga badbaadadeyna”.
ISHA/DW.