JANAASO LAGU DUKADAY MEYDKII HANYAH.

(SAWIRKA)-MEYDKII ISMAACIIL HANIYAH EE GUDAHA TEHRAN.

(WASHINGTON)-Wargays ka soo baxa dalka Maraykanka kana hadlo arrimaha Gobolka Bariga dhexe ayaa sheegay in Sirdoonka Dibadda Israa’iil ee loo yaqaano Mossad ey dileen Hogaamihii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xarakadda Xamaas Ismaaciil Haniyah ka dib markii ey ku qarxiyeen walxo Qarxa oo horay loogu sii diyaariyey qolkiisa jiifka oo ku yaalo guriga rasmiga ah ee dawladda Iraan ee magaaladda Tehran,sida ey Wargayska AXIOS ey u xaqiijiyeen laba ilo xog ogaal ah. Xaqiiqada ah in Mossad ey ku guuleysteen iney walxaha qarxa ku rakibto goob amaankeeda si aad ah loo ilaaliyo ma muujineyso oo kaliya dhexgalka qotada dheer ee Sirdoonka Israa’iil ee gudaha Iraan balse sidoo kale baylah Sirdoon ayaa ka dhex jirta laamaha Amniga dalka Iraan. Faahfaahinta ku saabsan Waxaha Qarxa ee la aasay ayaa waxaa markii ugu horeysay ka warbixiyey Wargayska New York Times,waxaane Axios u xaqiijiyey laba ilood. Qaraxa lagu dilay Ismaaciil Haniyah ayaa dhacay Habeenimadii Talaadada balse shaacintiisa rasmiga ah ee dilka Haniyah ayaa la daabacay dhawr saacad ka dib dilkiisa kuna beegneed subaxnimadii Arbacadda.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.

Previous
Previous

DADKII XALAY LAGU XASUUQAY XEEBTA LIIDO OO GAARAY..

Next
Next

WEERAR ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY XEEBTA LIIDO.