JAMES SWAN OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MUQDISHO.
(SAWIR)-KA.JAMES SWAN OO DIB UGU SOO LAABTAY SOMALIA.
(MUQDISHO)-Ku simaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ahne Madaxa Xafiiska Kaalmeynta Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM) James Swan ayaa maanta oo Axad ah soo gaaray caasimadda JFS ee Muqdisho. War ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in James Swan uu diiradda saari doono sidii loo taageeri lahaay DFS iyo shacabka Soomaaliyeedsi ey u horumariyaan Nabadda,Amniga Horumarka iyo Mudnaanta Dawlad Dhiska. Xogahyaha Guud ee Qaramadda Midoobe Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabisa James Swan 14/5/2024-ka. James Swan ayaa inta uusan imaanin magaaladda Muqdisho ka hor waxa uu kulamo la soo qaatay Madaxda Xarunta dhexe ee Qaramadda Midoobe. James Swan ayaa horay u soo noqday Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobe u qaabilsan dalka Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM mudadii u dhexeysay sannadkii 2019-kii ilaa sannadkii 2022-kii,ka dib markii uu ka soo shaqeeyey hawlaha Diblomaasiyadda dalka Maraykanka. Xilkaan ayaa waxaa laga Eryey diblomaasiyad u dhalatay dalka Ingiriiska lana yiraahdo Catrion Laing,haweeneydaan ayaa Soomaaliya waxaa loo soo magacaabay Bishii Meey-2023-kii waxa eyna Soomaaloya joogta muddo dhan hal sano,waxa eyna ku fashilantay iney isku wado siyaasadaha is diidan ee ka jira dalka Soomaaliya waxa eyna u badatay hal dhinac oo ah kan maamuladda ka tirsan DFS.
ISHA/UNSOM.