JABUUTI: DOON QALIBANTAY DHIMASHO 16-QOF IYO 28-QOF OO LA LA’AYAHAY.

(SAWIRKA)-DOON TAALA XEEBAHA JABUUTI.

(JABUTI)-Wararka ka imaanayo dalka Jabuuti ayaa sheegaayo in ugu yaraan 16-qofood ey dhinteen lana la’ayahay ilaa 28-qofood oo kale ka dib markii ey la qalibantay dooni ey la socdeen Xeebaha dalka Jabuuti ee Gobolka Geeska Afrika,sida ey sheegtay Hayadda Socdaalka ee Qaramada Midoobe ee (IOM) maanta oo Talaada ah. Shilkaan ayaa dhacay qiyaastii laba todobaad ka dib markii doon ey la socdeen Tahriibayaal Itoobiyaan ah ey ku qalibantay Xeebaha dalka Jabuuti halkaasne ey ku dhinteen dhawr iyo toban qofood,musiibadaan ayaa ka dhacday marinka halista badan ee loogu magaca daray”Socdaalka dadka Bariga Afrika ey ku imanayaan Gobolka Bariga dhexe”. “Musiibo doon ku degtay Xeebaha dalka Jabuuti taaso ey saarnaayeen 77-Tahriibayaal eyna ku jiraan Caruur iyo ilmo aad u yar”ayey Hayadda Socdaalka ee Qaramada Midoobe(IOM) ku tiri barteed X ee horay loogu yaqiin Twitter,waxaane ugu yaraan nolol iyo geeri lagu la’ayahay ilaa 28-qofood oo kale. Yvonne Ndege oo ah afhayeenka IOM oo u hadashay Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay iney dhinteen 16-qofood eyna ku jiraan caruur iyo dhawaan dhashay,iyadoo aan bixin wax faahfaahin dheeraad ah. Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti Burhano Tsgaye ayaa sheegay in doonta qalibantay ey la socdeen Tahriibayaal Itoobiyaan ah kana soo noqday dalka Yeman,shilkane waxa uu dhacay habeenimadii Isniinta,waxa uuna ka dhacay meel ka baxsan magaaladda Godoriya ee Waqooyi-Bari dalka Jabuuti.

ISHA/AFP.

Previous
Previous

MAXKAMADDA CQS OO XUKUN ADAG KU RIDAY JAAJUUS.

Next
Next

TURKIGA OO SHIDAAL KA QODI DOONO XEEBAHA SOOMAALIYA.