ITOOBIYA OO SOO IIBSANAYSO DRONES.

(ADDIS ABABA):Tan iyo bishii Noofembar ee sannadkii horer(Nov-2020)-kii dalka Itoobiya waxaa socday dagaal u dhexeeyo ciidamadda dawladda Federaalka Itoobiya iyo dagaalyahanadda jabhadda TPLF ee ka soo jeedo waqooiga dalka Itoobiya,dagalkaan ayaa sababay dhimasho fara badan iyo barackac ka dhacay goblka Tigray,dagaalka ayaa waxaa qeyb ka ahaay ciidamadda dalka Eritereeya oo garab siinaayey kuwa Itoobiya waxa eeyna gobolka Tigray ka geysteen falal lid ku ah bani’aadanimadda waxaane weli taagan baaritaankii lagu haayey falalkaas.Waxaa jiro warar sheegaayo in dalka Itoobiya doonaayo inuu soo iibsado diyaradaha aan duuliyaha wedin(Drones)-ka kana soo iibsado shirkad laga leeyahay dalka Turkiga lana yiraahdo”BAYRAKTAR” nuuca Drones-ka eey sameeyso shirkadaan ayaa la yiraahdaa TB2 DRONES,arrintaan ayaa timid ka dib markii uu heshiis iskaashi oo dhinaca ciidamadda ah dhexmaray labada dal(Itoobiya iyo Turkiga),waxa eeyna xukuumadda Itoobiya ka been sheegtay iskaashiga kala dhexeeyo dalka Turkiga waqti eey warbixinadu sheeegayaan in Itoobiya doonayso in loo soo daabulo diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee DRONES-ka ee dalka Turkiga si eey ugu isticmaasho dagaalka qaraar eey kaga soo horjeedo xoogaga gobolka Tigray,waxane xusid mudan in shirakadda”BAYRAKTAR” ee sameysa Drones-ka uu iska leeyahay nin eey u dhaxdo geberta ugu yar caruurta uu dhalay madaxweynaha dalka Turkiga ERDOGAN.ISHA WARKA GUARDIAN.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SHIRKADAHA DIYAARADAHA GACANKA CARBEED.

Next
Next

WAX KA OGOW INTA JEER EEY ISKU DHECEEN SACUUDIGA IYO LIBNAAN.