ITOOBIYA OO QALQAALO UGU JIRTO KA MID…

(SAWIRKA)-WASIIRKA DIFAACA ITOOBIYA CAASHA MAXAMED.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in dalalka ey ciidamadoodu ka midka yihiin Ciidamadda Nabad ilaalinta Midawga Afrika ee ATMIS qaarkood ey raadinayaan diyaarna u yihiin iney sii wadaan hawgalka cusub ee Nabad Ilaalinta dalka Soomaaliya. Wasaaradda Difaaca dalka Itoobiya iyo wadamo kale ey ciidamo ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya ayaa muujiyey rabitaankooda iyo u diyaargarawga ey ku doonayaan iney sii wadaan Nabad Ilaalinta Soomaaliya iyadoo loo maraayo hawlgalka Cusub. Ku dhawaaqistaan waxa ey daba socotaa shir heer sare ah ey soo qaban qaabisay Wasaaradda Difaaca Itoobiya kaaso ka dhacay caasimadda Addis Ababa taariikhdu markeey ahayd 16/10/2024-ka,waxaane shirkaan ka soo qeybgalay Wasiiradda Difaac wadamo dhawr ah kuwaaso martiqaad ka helay Wasiiradda Difaac dalka Itoobiya Caa’isha Maxamed. Hawlgalka Cusub ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ayaa loogu magac daray AUSSM-”AFRICAN UNION SUPPORT AND STABILIZION MISSION”waxaane ilaa hadda ciidamo ugu yaboohay hawlgalkaas wadamadda Jabuuti iyo Masar,waxaane hawlgalka ka mamnuuc ah iney qeyb ka noqdaan ciidamo ka socdo dalka Itoobiya waayo waxa ey dawladda Itoobiya ku soo xadgudubtay Madax Banaanidda dhuleed ee dalka Soomaaliya.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

CADALE: DAGAAL BEELEED MAR KALE KA SOO CUSUB…

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO GAARAY KAMPALA UGANDA.