ITOOBIYA OO DALKEEDA KA CEYRISAY DIBLOMAASIYIIN IRISH AH.

(ITOOBIYA):Tan iyo markii uu bilawday dagaalka dalka Itoobiya ee u dhexeeyo ciidamadda dawladda Itoobiya iyo kuwa jabhadda Tigray ee TPLF sannadkii hore(2020)-ka waxaa sii xumaanaayey xiriirka uu dalka Itoobiya la leeyahay wadamada reer galbeedka kuwaso ka hadlaayey tacadiyadda eey dawladda itoobiya u geeysatay dadka Tigray waane hadal eeysan jeclaysan xukuumadda Addis Ababa.Horaantii sannadkaan 2021-ka dawladda Itoobiya waxa eey soo xirtay dhawr safaaradood eey ku kala lahayd caalamka sabab la xiriirto dhinaca dhaqaalaha,hadaba sida muuqato dawladda Itoobiya waa mid ka aargosanaysa dawladaha reer galbeedka ee amray in mawaadiniintooda iyo qaar ka mida diblomaasiyiintooda ineey isaga baxaan dalka Itoobiya,waxayna xukuumadda Addis Ababa bilawday ineey dalkeeda ka ceyriso afar diblomaasi oo Irish ah mana la sheegin sabab cad oo hadda dalka ceyriyey.ISHA WAKALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DADKA U DHASHAY WADAMADDA REER GALBEEDKA OO ISAGA..

Next
Next

BAARLAMAANKA YURUB OO KA HADLAY ARRIMAHA SAXAFIYIINTA SOOMAALIYEED.