ITOOBIYA OO CASUUMAD U FIDISAY SSC-KHATUMO.
(SAWIRKA)-FIRDHIYE.
(ADDIS ABABA)-Dalka Itoobiya ma aha wax ku cusub hab dhaqanka sidaan ah kaaso ey horay ugu meel martay kana guul keentay inteey kula dhaqmaysay Siyaasiyiinta dalka Soomaaliya waqtigii dalku ahaay dawlad la’aanta,la yaab ma aha in Itoobiya maanta dalkeeda ku casuumto Hogaanka sare ee SSC-Khaatumo waayo waa hogaan curdin ah una dhexeeyo laba maamul oo la shaqeysto Itoobiya balse isaga uu ka madax banaan yahay. In Reysal Wasaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Casuumad u soo diro Hogaanka SSC-Khatumo waa mid muujinayso damaca Itoobiya ee ku aadan Duminta dawladnimada dalka Soomaaliya ayadoo adeegsanaysa siyaasiyiin Soomaali ah,Muuse Biixi iyo Siciicd C/laahi Deni heshiis ma aha laakinse waxa ey heshiis la wada yihiin RW-Abiy Axmed iyo maamulkiisa ka dhisan Addis Ababa wax kastana waxaa kala weyn iney iyaga xukunka sii joogaan inta ey nool yihiin.
ISHA/CAASIMADDA.