ISTICMAALKA QAADKA IYO MAANDOORIYAHA OO LAGA MAMNUUCAY CXDS.
(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.
(MUQDISHO)-Marka laga hadlaayo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed waxaa isla markiiba aan soo xusuusaneynaa yaa maanta ka mid ah Ciidamadda XDS? Jawaabtu ma aha mid culus oo waa mid iska sahlan waxaa ka mid ah Mooryaantii la shaqeysan jirtay Hogaamiye kooxeedyadii dalka soo xukumi jiray ummadane kala qoqobi jirtay burburka dawladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib,Mooryaantaasi waxa ey Ciidamadda XDS u horseedeen sharaf dhac iyo halaag ka soo gaaro kooxda Alshabaab ey dagaalka kula jiraan. Inaad maqashid Ciidamadda XDS ayaa jab xoogan waxa uu ka soo gaaray dagaal ka dhacay meel hebel ogow iney sababta keentay Jabka Ciidamadda XDS iney ahayd Balwadda ey leeyihiin Ciidamadda XDS kuwoodii ka yimid Hogaamiye Kooxeedyadii hore. Madaxweyne Xasan oo la hadlaayey Ciidamadda XDS oo loo soo xiraayey tababar ayaa sheegay inuusan jiri doonin shaqsi ku soo biiraayo Ciidamadda XDS oo leh Balwad nuuceey doonto ha ahaatee sida Qaadka iyo maandooriyeyaasha sida fudud loo heli karo,waxaane wax lagu farxa ah in Ciidmaadda XDS hadda ka dib eysan Qaadka ku cuni doonin Xerooyinka ey kaga sugan yihiin dalka.
ISHA/CAASIMADDA.