ISTANBUL: KANIISAD LA WEERARAY MAANTA OO AXAD AH.
(SAWIRKA)-WEERARKII KA DHACAY KANIISAD KU TAALO ISTANBUL TURKIGA.
(ISTANBUL-TURKEY)-Sida laga soo xigtay Wargayska ka soo baxa dalka Talyaaniga ee LA SATAMPA cadadkiisii soo baxay maanta oo Aaxda ah ayaa sheegay in Kaamirooyinka amaanka ee CCTV-da ey qabteen muqaalka ninkii weeraray Kaniisad ku taalo magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga,ninkaan ayaa iska soo dhigay mid aan la aqoonsan karin waxa uuna galay Kaniisadda St.Mary’s ee ku taalo magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga,waxa uuna rasaas ku furay dadkii ku cibaadeysanaayey kaniisadda. Intii lagu guda jiray dukashada maalinta Axada waxaa weerar hubaysan uu ka dhacay Kaniisadda SANTA MARIA DRAPERIS oo ah kaniisad CATHOLIC ah kuna taalo degmada Sariyeer ee magaaladda Istanbul dalka Turkiga,hal qof ayaa ku dhintay weerarka,waxaane goobta soo gaaray booliska,qofka dhintay ayaa magaciisa waxaa lagu soo koobay CT sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Turkiga Md.Cali Yerlikaya,”Waxa uu ka mid ahaay dadka xafladda joogay waxaane soo weeraray laba qofood oo wejiyadooda soo duubay,nasiib darrane waa uu waayey naftiisi”ayuu Wasiir Cali. Weerarka ayaa dhacay maanta oo Axad ah abaarihii 11:40-subaxnimo ee waqtiga Istanbul,waxaane la bilaabay baaritaan balaaran oo ku saabsan arrinta ka dhacda Kaniisadda Catholica,waxaane socdo dadaalo lagu soo qabanaayo kooxdii weerarka soo qaaday,waxaane si adag u cambaareyneynaa weerarkaan fulaynimada ah” ayuu hadalkiisii ku sii daray Wasiir Cali Yerlikaya.
ISHA/SB-MEDIA.