ISRAEL OO SI DADBAN U QIRATAY DILKII….

SHIREEN ABU AKLEH.

(FALASTIIN)-Bishii May-2022-ka ayey ahayd markii dhulka Falastiin lagu dilay saxafiyadii u shaqeynaysay Tv-ga caanka ah ee Al-Jazeera qeybtiisa Carabiga Shireen Abu Alkeh,saxafiyadaan ayaa haysatay dhalashada dalka Maraykanka waxa eeyna in mudoo ah u shaqeynaysay Tv-ga Al-Jazeera si gaar ah waxa eey uga hawgeli joirtay dhulka reer Falastiin,hadaba ciidamada Israel ayaa maanta oo Isniin ah si dadban waxa eey u qirteen in saxafiyad Shireen una shaqeynaysay TV-ga Al-Jazeera u dhimatay xabad uu riday askeri reer Israel ah,qoraal ka soo baxay ciidamadda Israel ayaa sheegayo in baaritaan dheer eey sameeyeen koox ku takhasusutay baaritaanada dilalka la garan waayo cidaa gaystay eey cadeeyeen in xabada dishay Shireen tahay mid eey rideen ciidamadda Israel oo markaas ku jiray hawgal eey kula dagaalamayeen rag hubaysan oo reer Falastiin ah.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

DHUL GARIIR KU DHUFTAY KOONFURTA IRAAN.

Next
Next

MAXAABIISTA INGIRIISKA EE GUWATANAMO.