IRAN IYO IMAARAATKA OO EY KA DHEX TAFAN TAHAY.

SAWIRKA NASSER KINANI.

(TEHRAN)-Magaaladda Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa maalintii Jimcaha ee ina dhaaftay 19/5/23-ka lagu soo gabagabeyey shirkii 32-aad ee wadamadda xubnaha ka ah Ururka Jaamicadda Carabta,shirkaan oo ey ka qeybgashay dawladda Imaraatka Carabta ayey halkaasi ka sheegtay iney jiraan Jaziirado dhulkeed ka tirsan kagana maqan gacanta dawladda iraan,hadaba hadalka ka soo yeeray dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxaa jawaab ka bixisay dawladda Iraan. Dalka Iraan ayaa ku celceliyey madax bananida iney leedahay Jaziiradaha ey sheeganayso dawladda Imaaraatka Carabta amaba muranka uu ka taagan yahay,”Iraan waa ey samayn doontaa inta ey la eg tahay awoodeeda ey ku difaacanayso madax banaanid dhulkeeda”sidaas waxaa lagu sheegay qoraal uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Iraan Naasir Kanaani. Dalalka Iraan iyo Imaaraatka Carabta ayaa in muddo ah waxa ey ku murmaayeen ayadoo mid walba ey goonideeda u sheeganayso Jaziiradaha Abuu Muusa iyo Tunb-da weyn iyo Tunb-da yar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

MUSLIMIINTA FARANSIISKA OO DALBADAY…

Next
Next

IRAAN OO U YEERTAY…