IRAAN: GEERIDII MEHSA MA LAGA XUSI DOONAA?

(SAWIRKA)-MEHSA AMINI OO KU SOO BAXDAY WARGAYSYADA IRAAN.

(TEHRAN)-Mehsa Amini ayaa geeriyootay ayadoo ku jirta gacanta dawladda Iraan taariikhdu markeey ahayd 16/9/22-kii,Mehsa ayaa waxa ey ku dhex geeriyootay xabsi ku yaalo magaaladda caasimadda ah ee Tehran,Mehsa ayaa loo xiray iney jebisay sharci ey soo saartay dawladda Islaamiga ah ee Iraan sharciga ayaa ku saabsanaay xijaabka ey xirtaan dumarka,geeridii Mehsa ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyo waa weyn oo gilgilay dalka Iraan oo dhan. Maamulka koonfur galbeed ee dalka Iraan ayaa xabsiga u taxaabay lix qofood oo ku edeysan iney abaabulaayeen banaanbaxyo lagu taageerayo sannad guuradii ka oo wareegtay markii ey Mehsa Amini ku dhex geeriyootay xabsi ey maamusho dawladda Iraan waxaane arrintaan ka dhashay banaanbaxyo isdaba jooga kana dhac guud ahaan dalka Iraan,sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalka Iraan.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

YAA DILAY DR.ZAKARIYE?

Next
Next

LONDON: ASKERI KA BAXSADAY XABSI OO LA SOO QABTAY.