IMISA SHAQAALE AYAA LAGA DILAY SHIRKADDA HORMUUD?
(SAWIRKA)-SHIRKADDA HORMUUD.
(MUQDISHO)-Shirkadda Isgaarsiinta hormuud waxa ey ka mid tahay shirkadaha ugu waa weyn ee ka hawlgala dalka Soomaaliya,shirkadaan ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxa ey la kulmeysay weeraro iyo Qaraxyo,dilal toos oo lala beegsado shaqaaleheed iyo xarumaheeda. Dhacdadii ugu dambeysay ayey shirkadu ku weysay lix ka mid ah shaqaalaheeda kuwaaso ku geeriyooday Qaraxx lala eegtay baabuur ey saarnaayeen kaaso maraayey degaanka Garasbaaleey ee duleedka Caasiamadda Muqdisho. Weerarkaan ayaa waxaa cambaareeyey DFS,Wasiir AL-Cadaala ayaa sheegay in Qaraxa ey ka dambeyso kooxda Alshabaab in kastoo kooxda AL-shabaab ilaa hadda eysan sheegan qaraxa lagu laayey shaqaalaha Hormuud. In la weeraro shirkadaha ama shaqsiyaadka iska diida baada ey ka dalbadaan kooxaha ALshabaab iyo Daacish waa mid ka jirta dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho
ISHA/BBC-SOMALI.