IKRAAN TAHLIIL YEEY KU MAQAN TAHAY?
(SOMALIA):Dalka Soomaaliya waxaa weli taagan arrinta sarkaaladda ka tirsaneed ciidamadda nabadsugidda Soomaliya(NISA) taaso magacaeeda la yiraahdo Ikraan Tahliil Faarax,sarkaaladaan ayaa la waayey lix iyo labaatankii bishii Juun ee sannadkaan(26/6/2021)-ka,sarlkaaladaan la la’ayahay ayey hayadda nabadsugidda soomaliya(NISA) ku sheegtay ineey u gacangashay dileena kooxda Alshabaab laakinse maalmo ka dib waxa hadalka hayadda NISA ka jawaabay ururka Alshabaab sheegayna inuusan wax shaqa ah ku leheeyn arrinta sarkaaladda la la’ayahay.RW-Rooble ayaa qaaday talaabo la xiriirto arrinta sarkaaladaan maqan waxa uuna xilkii ka qaaday taliyihii NISA oo loo yaqaano milkiilaha dawladda Farmaajo Fahad Yaasiin X.Daahir waxaane talabadaas ka dhashay khilaaf u dhexeeyo labada masuul ee dalka ugu sareeyo(Farmaajo iyo Rooble) waxaane hakad galay dhammaan hawlihii qaranka oo eey ugu horeeyso doorashadda.Kow iyo labaatankii bishii oktoobar ee sannadkaan(21/10/2021)-ka ayey heshiis gaareen Farmaajo iyo Rooble waxa eeyna arinta sarkaaladda maqan u daayeen hayadaha garsoorka in kastoo eey jiraan laba gudi eey kala magacaabeeb labada xafiis kan Madaxweynaha iyo kan Raysal wasaaraha mana la yaqaano sideey u wada shaqeyn doonaan,hadaba maanta oo Talaada ah(2/11/2021)-ka ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Maraykanka(VOA)-da Laanteeda Soomaliga waxa eey sii daysay barnaamij la yiraahdo GALKA BAARISTA uuna soo diyaariyey wariye HAARUUN MACRUUF,si hadaba akhristayaasha bogaan eey wax badan uga ogaadaan halka wax marayaan arrinta sarkaaladaan maqan ee lagu la’ayahay nolol iyo geeri ayaan halkaan idiinku gudbinay barnaamijkii oo dhan ee dhegaysi wacan.XIGASHO VOA-SOMALI.