HOGAANKA BAARISTA DEMBIYADDA(C.I.D) OO TABABAR…

(SAWIRKA)-SARAAKIIL TABABAR U SOCDO.

(MUQDISHO)-Dalka Soomaaliya ayaa weli waxa uu ku jiraa soo kabashadda dhinacyadda Amniga iyo baaritaanadda la xiriiro kuwa gala dembiyadda abaabulan ee loogu talagay in aan la garan cidda gashay,hadaba Hogaanka Baarista Dembiyadda ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Tababar loogu furay koox ka mid ah Baarayaasha Demiyadda ee ka hawlgala Hayadda Dembi Baarista Soomaaliyeed. Taliyaha Hogaanka Booliska Soomaaliyeed S/G.Maxamed Maxamud Maxamed(Garaare) oo ey wehliyaan Taliyaha Baarista G/dhexe. Muxyadiin Axmed Cismaan iyo Xoghayaha Guud ee Booliska ahne Taliyaha Laanta Ilaaladda Xeebaha G/Sare.Bashiir C/qaasim iyo Taliyaha Qeybta Baarista Dembiyadd G/Dhexe,Saadiq Doodishe ayaa maanta Tababar u furay Saraakiil ka tirsan qeybta Baarista Dembiyadda kuwaaso qaadan doono aqoon korosi ku saabsan hanaanka baarista Dembiyadda. Inta uu socdo tababarkaan ku saabsan aqoon kororsiga uu socdo saraakiisha ayaa lagu bari doonaa Shuruucda iyo Qawaaniinta dalka ee la xiriiro tabaha loo sameeyo Baarista,Anshaxa iyo qayimka Ciidanimo. Hogaanka ayaa dhawaanahaan ku hawlanaa kordhinta xirfadaha Baarista ee Baarayaasha Dembiyadda iyo sida wanaagsan ey ula dhaqmi lahaayeen Dhibanaha iyo Eedeysanaha ey la macaamili doonaan ilaa ey ka dhabeeyaan ka gungaarista Cadaaladda.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

XILDHIBAANADDA MUCAARADKA DALKA TURKIGA OO KA SOO…

Next
Next

KULAN LOOGA HADLAAYEY MAQAAMKA CAASIMADDA…