HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA OO..
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADA EE XFS.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuiyadda Federaaka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa ayaa Ansixiyey heshiis u dhexeeyo dawladaha Soomaaliya iyo Ugaandha kuna saabsan ciidamadda Ugaandha ee ka hawlgala dalka Soomaaliya. Kulanka maanta ayaa waxa shir Gudoominaayey Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,waxaane kulanka maanta qabsoomay lagu soo bandhigay warbixino kala duwan kuna saabsan Shirweynaha Daraasaadka Soomaaliya,Amniga, dhaqaalaha iyo dhamameytirka Dastuurka. Golaha Wasiiradda ayaa kulankoodii maanta ayey gudi u saareen inuu baaris ku soo sameeyo nuuca xiriirka ka dhexeeyo Eedeysane Axmed Madoobe iyo kooxda AL-shabaab,falkii uu ku weeraray degaanka Raaskambooni oo ey ka dhalan doonto isla xisaabtan iyo ciqaab. Dhinaca kale,Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ansixiyey soo jeedinta Wasiirka Amniga Gudaha ee ah magacaabista Agaasimaha Guud ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha inuu noqdo Md.Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulaw.
ISHA-OPM.