GUDOOMIYE SACDIYO OO SHIR GUDOOMISAY…
(SAWIRKA)-FADHIGA LABADA AQAL EE BJFS.
(MUQDISHO)-Ku-Simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahne Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad Xildhibaanad Sacdiya Yaasiin X.Samatar oo ey wehliyaan Gudoomiye ku Xigeenadda Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS ayaa shir gudoomisay kulankii wadajirka ah ee labada Aqal ee maanta. Ajendaha kulanka ayaa ahaay Dhaarinta Senitar C/weli Ibraahim Garyare oo dhawaan loo doortay ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee BJFS iyo dhaarinta Wasiiradda kala ah Wasiirul Dawlaha Qorsheynta Qaranka Md.Axmed Nuur Sh.Maxamed(Loxos) iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada,Tacliinta Sare iyo Hiddaha Md.C/rashiid Maxamed Ducaale,akhrinta labaad ee Hindisaha Xeerka Dhisida Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Gudiga ku meel gaarka ah Md.Mahdi Maxamed Guuleed ayaa mudanayaasha labada aqal u akhriyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindisaha Xeerka Dhisida Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha. Muadanayaasha labada Aqal ayaa dood ka yeeshay warbixnta Gudiga iyagoo aragtidooda ka dhiibtay qodobada dhismaha Gudiga,Xubnaha ey ka kooban yihiin,sida lagu soo xulay iyo ilaalinta Qoondada Haweenka Soomaaliyeed. Mudanayaasha Gudiga ayaa isla gartay muhimadda uu gudigaan u leeyahay Qaranka iyo Hirgelinta Doorsahada Qof iyo Cod ee la filaayo in guud ahaan dalka ey qabsoonto. Kulanka wadajirka ah ee labada aqal ayaa waxaa goobjoog ka ahaay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee XFS Md.Xildhibaan Cali Xoosh iyo masuuliyiin kale kana tirsan isla Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahne Gudoomiye ku-Xigeenka koowaad Xildhibaanad Sacdiya oo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in gudiga wadajirka ah ee labada aqal laga doonaayo iney soo diyaariyaan warbixinta akhrinta seddexaad isla markaasne talooyinka mudanayaasha Baarlamaanka ku soo daraan dibne Golaha ugu soo celiyaan.
ISHA-SNTV.