GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO SHIR GUDOOMIYEY.
(SAWIRKA)-GUDIGA JOOGTADA EE GOLAHA SHACABKA BJFS.
(MUQDISHO)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Aden Maxamed Nuur(Aden Madoobe) ayaa maanta shir Gudoomiyey kulanka 5-aad ee Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka kaaso ka dhacay Xarunta Gudoonka iyo Gudiyadda ee Villa Hargeysa ee magaaladda Mqdisho,waxaane kulanka maanta ka qeybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka ee BJFS Md.Abshiraw. Gudoomiye Aden Madoobe ayaa xubnaha Gudiga Joogtada ah warbixin kooban ka siiyey qorshaha soo xulista Xubnaha Soomaaliya ku meteli doono Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika(EAC). Intaas ka dib,Xubnaha Gudiga joogtada ah ayaa ka dooday Ajendaha kulanka oo ahaay Ajandeynta fadhiyadda todobaadka seddexaad ee kalfadhiga 5-aad,waxaane kulanka intuu socday lagu soo bandhigay Ajendayaasha ugu horeeyo ee looga hadli doono kulamadda Guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socdo iyo sida ey u kala horeeyaan. Sidoo kale,Gudiga Joogtada ah ayaa ka dooday muhimadda Goluhu siinaayo in Shuruucda Golaha la horkeenaayo ey miisaaniyadooda wataan,Xubnaha Gudiga Joogatada ah ayaa wadar ogol ku ansixiyey Ajendaha kulamadda Guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socdo.
ISHA/SNTV.