GUDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA IYO ANSIXINTA BAARLAMAANKA PUNTLAND OO …
(SAWIRKA)-GUDIGA XALLINTA KHILAAFAADKA IYO ANSIXINTA BAARLAMAANKA PUNTLAND.
(GARAWE)-Maamulka Puntland waxa uu ka mid yahay labada maamul ee ugu faca weyn dhammaan maamuladda dalka ka jira waxaane la dhisay sannadkii 1998-dii oo hadda waa 25-jir qaan gaara ah balse maamulka ayaa hadda la daalaa dhacaayo arrimo siyaasadeed oo aad u culus kuna soo beegmay waqti kala guur ah. MW-Deni ayaa isku dayey inu si dadban u sameysto muddo korosi isaga oo ku marmarsiyooday waxa aan Puntland ka qabanayaa Doorasho qof iyo cod ah balse waxa ey ku soo dhammaatay guul darro waxa eyna sababtay gacan ka hadal dad ku dhinteen inuu ka dhaco caasimadda Garawe. MW-Deni ayaa aqbalay in Xildhiaanada Puntland ey soo xulaan Isimadda si ey u doortaan Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa(8/1/24)-ka,markey arrimi halkaasi taagan tahay ayey Isimadda SSC-Khatumo waxa ey qaateen Go’aan Masiiri ah waxa eyna isaga bexeen maamulka Puntland oo waxa ey sheegteen iney yihiin maamul iskii u taagan,arrintaan ayaa keentay jahwareer hor leh waayo waxaa meesha ka maqan 17-Xildhibaan kana soo jeeday SSC-Khatumo kuwaaso doorashdii hore ka mid ahaay Baarlamaanka Puntland. MW-Deni ayaa waxa uu iska diiday go’aankii ey gaareen Isimadda SSC-Khatumo waxa uuna suuqa Garawe ka soo qortay 17-Xildhibaan oo reer SSC-Khartumo ah waxa uuna gacanta ka saaray Gudiga Xallinta Khilaafaadka iyo Anxisinta Baaramaanka Puntland ee soo socda. Shir ey yeesheen Isimadda Puntland ayey ku taageereen go’aankii Isimadda SSC-Khatumo waxa eyna cadeeyeen mawaqifkooda ku aadan tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland uu yeelan doono waax eyne Isimadu sheegeen in Baarlamaanka Puntland uu yeelan 49-Xildhibaan eyna soo dooran doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland 8/1/24-ka. MW-Deni iyo kooxdiisa ayaa arrintaas iska diiday waxa eyna sheegeen ineysan aqbaleynin hadalka Isimadda Puntland Xildhibaanada baaramaankana ey yihiin 66-dii hore,Maxaa soo kordhay oo aanad ogayn? Gudigii Xallinta Khilaadaafdka iyo Ansixinta Baarlamaanka cusub ee Puntland ee uu soo magacaabay MW-Deni ayaa ku kala qeybsamay tirada Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland,qaarkood ayaa taageeray hadalka MW-Deni halka kuwa kalane ey taageereen hadalkii Isimadda Puntland,berri oo Axad ah ayaa la filaa iney kala baxaan xubnaha Gudiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamaanka Puntland iskuna raacaan hal meel,in tirada Xildhibaanada noqonayso 66-Xildhibaan iyo iney noqonayso 49-xildhibaan,waxa soo seddexeeyaa waa dagaal ka dhaca Garawe mar kale dad shaacab ahne ey ku le’edaan.
ISHA/SB-MEDIA.
MUQDISHO-SOMALIA.