GO’AAMO LAGA SOO SAARAY SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.
(MUQDISHO)-Caawa waxaa kulan aan caadi ahayn isugu yimid Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,kulanka uu shir gudoominaayey Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa lagu gaaray go’aamo dhaxalgal u ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu si aqlabiyad leh u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Dhismaha Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo ka kooban 18-Xubnood. Sidoo kale,Golaha shirkaan aan caadiga ahayn ee caawa uu yeeshay waxa uu ku soo saaray Qaraar lagu xoojinaayo hanaanka maareynta Hubka iyo Rasaasta iyadoo la xaqiijinaayo Amniga Qaranka iyo u hogaansanaanta Halbeegyadda Caalamiga ah ee la xiriira qaabka loo maraayo Hubka iyo Rasaasta. Go’aamada uu soo saaray Golaha XJFS waxa ey kala yihiin: (1)-Mamnuucidda ka Ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka,waxaa la mamnuucay ka Ganacsiga dhammaan nuucyadda kala duwan ee Hubka iyo Saanadda Ciidan ee soo gelaayo ama ka baxaayo dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2)-Reebista Falalka Sharci daradda ah,waxaa reeban in la soo dejiyo,la dhoofiyo,la warshadeeyo,laga Ganacsado,la isu gudbiyo ama la daabulo Hubka iyo Saanadda Ciidanka. (3)-Reebista hawlaha dallaalnimada Hubka iyo Saanadda Ciidan,waxaa la mamnuucay hawlaha dalaalnimo ee la xiriiro Hub ama Saanad Ciidan oo laga fuliyo Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (4)-Heysashadda Hubka,Waxaa la ogol yahay oo kaliyah heysashadda Qoraga AK-47,Bistoolad IWM ee ka diiwaangashan Wasaaradaha Amniga Gudaha ee labada heer ee dawladeed. (5)-Talaabooyinka Sharciga ah,Cid kasta oo jebisa qodobadda qaraarkan,waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan shuruucda u degsan wadanka,waxaane si sharciga waafaqsan lagula wareegayaa Gaadiidka,Hubka iyo Saanadda Ciidan ee sharci daradda ah. Waxaa dabagal iyo Xanibaad lagu soo rogayaa cid kasta oo lagu helo falalkaas sharci daradda ah ee lagu mamnuucay Qaraarkan Golaha Wasiiradda si waafaqsan shuruucda dalka. (6)-Hirgelinta Qaraarkan,Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Wasaaradaha Amniga ee dawlad Goboleedyadda ayaa la farayaa iney fuliyaan Qaraarkan. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la farayaa iney si dhaw ula shaqeeyso laanta la socodka Hubka iyo Rasaasta ee Xafiiska Amniga Qaranka si ey warbixin joogta ah u siiyaan Golaha Amniga Qaranka. (7)-Dhaqangalka Qaraarkan,Qaraarkan Waxa uu dhaqangalay caawa uu Ansixiyey Golaha Wasiiradda Isla markaane uu saxiixay Reysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre,waxaane lagu soo saaray Warfaafinta Rasmiga ah ee DFS. Dhinaca kale,Go’aamadda dhaxalgalka ah ee uu gaaray Golaha Wasiiradda caawa waxaa ka mid ah in uu Goluhu Ansixiyey Siyaasadda iibka Hubka,Rasaasta iyo Qalabka Ciidanka,Siyaasadan ey soo gudbisay Wasaaradda G/dhiga waxay Qeexeysaa hanaanka ey Hayadaha Amniga ee dalka ey ku soo iibsanayaan Hubka,Rasaasta iyo Qalabka ey u baahan yihiin,Siyaasadan waxay xaqiijinaysaa hanaanka iibka Hubka,Rasaasta iyo Qalabka ciidanka loo fuliyo si waafaqsan sharciga iibka Qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalo,siyaasaddani waxay qeyb ka tahay dadaalka ey DFS ugu jirto dejinta shuruuc,Siyaasado iyo nidaamyo adag oo markaas lagu xakameynaayo Hubka sida sharci daradda ah ku soo galo dalka ka dib qaadistii Cunaqabateynta Hubka ee saarneed dalkeyna ee la qaaday bishii Diseembar-2023-kii. Siyaasadu waxay ka hortegaysaa hadaba Hubka Rasaasta iyo Qalabka u soo degi kara kooxaha Argagixisadda sida Alshabaab iyo kuwa kale ee lidka ku ah nabadgelyadda dalka. Sidoo kale,Golaha Wasiirada kulankaan aan caadiga ahayn ee uu yeeshay waxa uu ku Ansixiyey Heshiis Difaac oo u dhexeeyo Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladda Masar.
ISHA/SNTV.