GIRIIGA OO DIGAY MUHAAJIRIINTA SHAN DAL OO SOOMALI KU JIRTO.
Wasiiradda arrimaha dibadda iyo kan muhaajiriinta ee dalka Giriiga ayaa soo saaray qaraar eey ugu baaqayaan dadka megangalyo doonka ah ee soo gala dalka Giriiga waxayna u sheegeen muhaajiriinta shan dal in Turkiga kaga amaan wanaagsan yahay Giriiga sidaas darteedna dalka Turkiga weydiistaan magangalyo,inta badan muhaajiriinta ka soo jeedo shanta dal ee uu sheegay Giriiga ayaa waxa eey ka soo ambabaxaan dalka Turkiga. Sannadkaan 2021-ka kaliyah waxaa dalka Giriiga u safray ayagoo magangalyo doon ah kana soo ambabaxay dalka Turkiga dad lagu qiyaasya ineey dhan yihiin seddex kun qofood(3000) sida ku cad warbixinta eey soo saarat haydda qaxootiga ee UNHCR,qaxootigaan soo gaarat dalka Giriiga ayaa 47% yihiin kuwa u dhashay dalka Afgaanistaan,15% yihiin Suuriyiin halka 9% yihiin soomaali,shanta dal uu u digay Giriiga ineey dalkooda u soo doontaan magangalyo ayaa kala ah” AFGAANISTAA,SOOMAALIYA,SUURIYA,PAKISTAN IYO BANGAALADEESH”.XIGASHO NEWSWEEK.