GEBER UU DHALAY MADAXWEYNE HORE OO….
JOSE EDUARDO DO SANTOS.
(ANGOLA)-Geber uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Angola JOSE EDUARDO DOS SANTOS kaaso ku geeriyooday magaaladda Barcelona ee dalkaasi Esbayn maalintii shalay oo Jimca ahayd ayaa codsatay in meydka aabeheed lagu xafido isbitaalk uu ku geeriyooday inta laga xaqiijinaayo sababta uu u dhintay aabeheed. DO Santos ayaa soo xukumaayey dalka labaad ee ku yaalo Qaaradda Afrika ee soo saara batroolka ugu badan muddo dhan afartan sano waxa uuna DO Santos geeriyooday isagoo jira 79-sano waxa uuna ku dhex geeriyooday rug caafimaad oo la yiraahdo Teknon kuna taalo magaaladda Barcelona ee dalaasi Esbayn ka dib markii uu xanuunsanaay muddo dheer sidaasne waxaa sheegtay madaxtooyada dalkaasi Angola.
ISHA WARKA GUARDIAN.