GARAWE UU KA DILAACAY CUDURKA DAACUUN CALOOLKA.

(SAWIRKA)-DADKA UU SOO RITAY CUDURKA DAACUUN CALOOLKA.

(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda maamulka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka dilaacay Cudurka Daacuun caloolka waxa uuna galaaftay nolsha 19-qofood una badan Caruur halka in ka badan 300-qofood oo kale la jiifaan Isbitaaladda Garawe. Cudurkan Dacuun Caloolka ayaa dhammaadkii bishii labaad ee sannadkan-2024-ka ka dilaacay kaamamka Barakacayaasha ee magalaadda Garawe. Sida ey sheegayaan wararka laga helaayo ilaha Caafimaadka cudurka ayaa hadda si xawli ah waxa uu ugu sii faafayaa iyadoo goobaha caafimaadka ey buuxdhafiyeen dadka uu soo ritay cudurka Daacuun Caloolka una bada Caruur. Waxaa Garawe ka socdo dadaalo la doonaayo in lagu xakameeyo faafidda Cudurkaan Daacuunka iyadoo hawl wadeenadda caafimaadka ey si aad isugu hawlayaan sidii gargaar caafimaad loo gaarsiin lahaay dadka uu soo ritay Cudurka Daacuun caloolka.

ISHA/HIIRAAN.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

SHIRKAD DIIDAY IN LA WEERARO MARKAB U AFDUUBAN …

Next
Next

MALEESHIYAADKA ALSHABAAB OO LAGU LAAYEY…