GARAWE: DAGAAL IYO NABAD KEE AYAA LAGA FILI KARAA?
(SAWIRKA)-PMPF-TA OO GAAF WAREEGAAYO GARAWE MAANTA.
(GARAWE)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka jirto xaalad kacsan oo laga dareemayo dhammaan gudaha iyo banaanka Garawe,waxaane arrintaan kor u kiciyey ka dib markii MW-Deni uu ciidamadda ka soo saaray goobo ey difaac uga jireen sida Buuraha Galgala ey ku hor fadhiyeen kooxda Alshabaab,waxaane arrinkaan ka dhalan karto in kooxda Alshabaab awood u yeelato iney u soo gudbaan gudaha degmooyinkii laga hortaagnaay iney soo galaan. Ciidamadda PFPM-ta ayaa la soo sheegay iney soo galeen magaaladda Garawe ayagoo wata labaatan baabuur oo kuwa dagaalka ah,Mucaaradka maamulka Puntland ayaa iyagana banaanka soo dhigay ciidamo ey ku ilalshanayaan amnigooda waa sida ey sheegeen,arrintaan ayaa Garawe waxa ey maanta ka dhalisay Barakac aad u baahsan oo Faras magaalihii Garawe waa uu haawinayaa oo Ganacsi iyo Dugsiyadii Waxbarashada waa lagu kala tegay.
ISHA/CAASIMADDA.