GANACSADE LOO XIRAY DILKII MADAXWEYNIHII HAYTI MOISE.
(TURKEY):Maalintii shalay oo ahayd Isniin ayey booliska dalka Turkiga waxa eey xabsiga u taxaabeen ganacsade la raadinaayey oo reer Hayti ah loona haysto inuu qeyb ka ahaay dilkii madaxweynihii Hayti Mr.Moise.Ninkaan ganacsada ah ee lagu tuhmaayo inuu ka qeyb qaatay dilkii Mr.Moise ayaa magaciisa lagu sheegay Samiir Xandal waxaane loo jaray warqad lagu soo qabanaayo ka dib markii uu dhacay dilkii madaxweyihii Hayti Mr.Moise,booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa raadinaysay Samiir Xandal waxaane ugu dambayntii Samiir lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Istambuul ee dalka Turkiga ka dib markii uu ka yimid dalka Maraykanka kuna hakaday dalka Turkiga.Samiir Xandal ayaa asalkiisy yahay Falastiin balse waxa uu wataa baasboor Urduni ah,wasiirka cadaaladda dalka Turkiga ayaa amray in Samiir Xandal xabsiga lagu haayo muddo dhan afartan(40)-berri,waxa uuna hadda Samiir ku xiran yahay xabsi ku yaalo Istambuul lana yiraahdo Meltepe.ISAH WAKAALADAHA.