GABAR SOOMAALIYEED OO DUQ MAGAALO KA NOQOTAY MARAYKANKA.

(USA):Dalka Maraykanka goboladiisa kala gedisan waxaa ku nool Soomaali fara badan oo intooda badan ku yimid qaxootinimo,qaar ka mida dadkaas soomaaliyeed ayaa waxa eey horumar ka sameeyeen xagga tacliinta iyo arrimaha bulshada waxa eeyna gaareen ineey xilal ka qabtaan dalka Maraykanka kan ugu sareeyo eey soomaali qabato gudaha dalka Maraykanka waa kan eey hayso xildhibaanad Ilhaan Cumar waane eey jiraan xilal kale oo eey haayaan soomaalidda,hadaba Deeqa Dhalac waa gabar Soomaali-Maraykan ah waxa eeyna ku guulaysatay in loo doorto duqa magaaladda Maine maalintii Isniinta ahayd ee ina soo dhaaftay,Deeqo ayaa sannadkii 2018-kii waxa eey ka mid noqotay golaha magalaadda Maine waane qofkii ugu horeeyey oo muslim ah kana qabata xilkaas magalaadda Maine waayo magaaladaan ayaa waxaa ku badan dadka cadaanka ah waxaane la sheegaa in boqolkiiba sagaashan(90%) yihiin cadaan.ISHA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

NINKII LAGU XIRAY BAARIIS OO LA SII DAAYEY.

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABATEEN SAARAY SARKAAL UGAANDHA U DHASHAY.