FARANSIISK OO KA HADLAY MAWAADIIN UGA XIRAN IRAAN.
(PARIS)-waxaan shalay boggaan Suuqbacaad-Media idiinku soo gudbinay war ku saabsan dad reer Yurub ah laguna xiray dalkaas Iraan,hadaba maanta oo Khamiis ah(12/5/2)-ka ayaa waxaa arrinta dadkaas ku xiran dalka Iraan ka hadashay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Faransiiska taaso sheegtay in laba mawaadin oo u dhashay dalka Faransiiska ku xiran yihiin dalka Iraan,waxa eeyna xukuumadda Faransiiska isku duweysaa sidii labadaas mawaadin si dhaqsi ah loogu sii dayn lahaay.Ururka xoogsatada dalkaas Faransiiska ayaa maanta oo khamiis ah cadeeyey ineey dalka Iraan ku xiran yihiin laba mawaadin oo macallimiin ah Cecile Kohler iyo qof la socday,labadaan macallin ayaa dalxiis u tegay dalka Iraan ayagoo ku jira fasaxii EASTER-ka,ururka ayaa intaas raaciyey in macallimiinta la xiray maalintii shalay oo Arbaca ahayd(11/5/22)-ka.
XIGASHO AP.