FADHIGA 92-AAD EE BOOLISKA CAALAMIGA EE GLASGOW.

(SAWIRKA)-MW-AXMED NAASIR.

(GLASGOW-UK)-Wararka aan ka heleyno magaaladda Glasgow ee Gobolka Scotland ee cariga Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegaayo in halkaasi uu maalinta beri oo ah Isniin uu ka furmi doono Fadhigii 92-aad ee Golaha Guud ee Booliska Caalamiga ah ee loo yaqaano INTERPOL,fadhiga beri ka bilaaban doono magaaladda Glasgow ayaa lagu wadaa inuu socdo inta u dhexeyso 4/11 ilaa 7/11/2024-ka,waxaane fadhigaas ka qeybgelaayo 195-dal oo xubna ka ah Golaha Guud ee Booliska Caalamiga ah ee Interpol. Golahaan loo dhan yahay ayaa ah Hayadda ugu sareeyso ee INTERPOL,waxa eyna ka kooban yihiin wufuud ey soo magacaabeen dawladaha Xubnaha ka ah Golahaan Guud ee Booliska Caalamiga ah. Golahaan ayaa sannadkiiba hal mar kulma,waxa uuna qaataa dhammaan go’aanada waa weyn ee saameeya Siyaasadd guud,ilaha looga baahn yahay iskaashiga caalamiga ah,hababka shaqada,Maaliyadda iyo barnaamijyada hawada,go’aamada ayaa ah kuwa leh qaab go’an. (AGENDAHA),kalfadhigan Golaha Guud wuxuu magacaabi doonaa Xogahayaha Guud ee soo socdo ee Ururka,maadaama Jurgen Stock oo 65-jir ah una dhashay dalka Jarmalka uu hadda yahay Xoghayaha Guud ee Interpol, waxa uuna xilkaan soo qabtay taariikhdu markey ahayd 7/11/2014-kii waxaane dib loogu doortay 7/11/2019-kii, waxa uu Jurgen xilkaan soo haayey muddo dhan toban sano oo xiriir ah. Musharaxa bedeli doono Jurgen waa Valdecy Urquiz oo 43-jir ah una dhashay dalka Brazil,ninkaan ayaa waxaa soo xulay Gudiga Fulinta ee Interpol taariikhdu markey ahayd 25/6/2024-ka si uu u noqdo Musharaxa bedeli doon Jurgen. Valdecy Urquiz, waa shaqsigii ugu horeeyey ee aaney dhalashadiisu ahayn Maraykan iyo Yurub ee qabta Xilka Xoghayaha Guud ee Interpol tan iyo Markii la aas-aasay INTERPOL sannadkii 1923-kii. Goluhu waxaa kaloo uu u codeyn doonaa sagaal Xubnood oo ka mid noqda Gudiga Fulinta,bacdamaa ey dhammaatay muddadii seddexda sano ahayd ee masuuliyiinta xilka hadda haysa. Waxaa jiri doono afar gudi oo is-dhexgal oo muhiim ah kuwaaso eegi doona dhinacyo kala duwan ee mustaqbalka Booliska Caalamiga ah ee Barnaamijyada Dembiyada Caalamiga ah ee Ururka. Qodobada ayaa kala ah:-(1)-Awoodaha khadka hore ee Biometric. (2)-AI-(Artificial Intelgence) iyo Mustaqbalka Booliska. (3)-Joogteynta dhiancyo badan-Qaab dhismeedka Amniga Caalamiga ah ee isku dhafan. (4)-Mustaqbalka Hogaanka fulinta sharciga. Mawduucyada waxa ey dabooli doonaan Iskaashiga Caalamiga ah,Maamulka iyo Habeynta Xogta marka lagu daro awoodaha Guud ee Booliska,Goluhu wuxuu kaloo u codeyn doonaa Ansixinta Barnaamijka Hawlaha iyo Miisaaniyadda sannadka soo socdo ee 2025-ka.

ISHA/ SB-MEDIA.

Previous
Previous

WASIIRADDA IS CASILAY MAXAY ISU CASILEEN?

Next
Next

NAIROBI: DILAAGII LAAYEY DUMARKA IYO CARUURTA OO LA SOO QABAY.