FADEEXADII UGU XUMEED OO SOO FOOD SAARATAY..
(SAWIRKA)-HOIBY IYO HOOYADIIS.
(OSLO-NORWAY)-Eedeymo badan oo kufsi iyo weeraro ah uu geystay wiil ey dhashay Boqoradda Mustaqbalka Norway ayaa qoyska Boqortooyada gelisay Fadeexadi ugu weyneed ee abid soo marta taasoo soo gabagabeysay Sannadkii ugu xumaa Boqortooyada. Dhibaatooyinka sharciga ah ee ku xeeran Marius Borg Hoiby oo 27-jir ah kaaso ku dhashay xiriir ka hor Guurka Crown Princess Mette-Merit ee dhaxal sugaha Amiir Hakoon ayaa qabsaday cinwaanada dalka Scandinavian ka trsan ee Norway tan iyo bishii Agoosto. Midab dheer oo suun lehne muuqaal wiil”XUN” kaaso inta badan lagu sawiro jaakado fool xun,timo jeexan,hilqado iyo taatuus ayaa lagu xiray caasimadda Oslo 4-tii Agoosto isagoo looga shakiyey inuu weeraray Saaxibadiis habeen ka hor. Warbaahinta ayaa waxaa ku soo baxay Sawirka mindida oo ku dhegan derbiga gurigeeda,iyadoo ey barbar socdaan warar sheegaayo in Hoiby uu booliska ku wareejiyey telefoonkiisa gacanta oo la burburiyey oo aan lahayn Laf.
ISHA-YAHOO-NEWS