DUQEYN CUSUB OO KA DHACADAY YAMAN.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YAMAN OO WEERARAYO MARKAB.

(SANA’A-YEMAN)-Xoogaga Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa maanta oo Axad ah sheegay duqeymo cusub oo ey Maraykanka iyo Ingiiiska ka fuliyeen Gobolka Xudeyda ee Galbeedka dalka Yaman. Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Yaman ee SABA qeybta ey maamulaan Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeynta dhacday maanta lala beegsaday Buurta Jida’a ee Gobolka Xudeyda. Telefishan AL-MASIIRAH ey maamulaan Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha wax Basaasa ee dalka Maraykanka lagu arkay ayagoo dul heehaabaayo Gobolka Xudeyda,welina wax faahfaahin ah lagama haayo khasaaraha ka dhashay duqeyntii dhacday maanta mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dalka Maraykanka. Sabtidii shalay ayey ahayd markii dalka Maraykanka uu dib u soo cusbooneysiiyey duqeymaha dhinaca cirka ah ee caasimadda Sanca hal maalin uun ka dib markii uu dhacay weerarkii Jimcaha ey ku dhinteen shan qofood kuna dhaawacmeen lix kale oo Xuutiyiin ah,kooxda Xuutiyiinta ayaa wacad ku maray in dhamman danaha Maraykanka iyo Ingiriiska ey noqdeen ‘BARTILMAAMEEDYO SHARCI AH”si ciidamadooda uga jawaabaan gardaradda tooska ah ee ka dhanka ah dalka Yaman. Xuutiyiinta dalka Yamana ayaa bartilmaameedsada Maraakiibta sida Xamuulka oo ey leeyihiin amaba ey maamulaan shirkado reer Isra’iil ah ama qaada alaabadda u socota dalka Israa’iil iyagoo Marin ka dhiganaayo biyaha Badda Cas iyo iyagoo isu garabsanaayo dilka shacabka reer Falastiin ey weerarada joogtada ah ku hayaan diyaaradaha dagaalk dalka Isra’iil.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

NISA IYO SHIRKADA HORMUUD KEEBAA KHALDAN?

Next
Next

MAAMULKA SOOMAALILAND OO XABSIGA DHIGAY…