DUQEYN CULUS OO MAR KALE KA DHACDAY GALHAREERI.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA XOOGA.

(GALHAREERI)-Wararka ka imaanayo degaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug bartamaha Soomaaliya ayaa sheegayo in weerar aad culus oo dhinaca cirka ah ey xalay mar kale qaadeen diyaaradaha dagaalka ey iska leeyihiin saaxibadda caalamka,weerarka ayaa la sheegay in lala beegsaday goob ey ku shirsanayeen saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab iyo maqaasiin keyd u ahaay kooxda Alshabaab. War ey soo saartay DFS ayaa lagu sheegay in weerarki cirka ee lagu qaaday Galhareeri uu ahaay mid jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Alshabaab,waxaane la baabi’iyey ayey tiri DFS dhammaan goobihii lala beegsaday duqeynta dhacday xalay. Waa markii labaad muddo ka yar seddex maalmood oo weerar dhinac cirka ah lagu qaadaayo degaanka Galhareeri halkaaso saldhig weyn u ah kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Galmudug gaar ahaan Bari Gobolka Galgaduud,waane goobta kaliya ee ilaa muddo ka badan sannad aan hal mar la weerarin tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.

ISHA/HIIRAAN.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MUQDISHO: NIN GUBAY XAASKIISA OO UUR LEH.

Next
Next

DUQEYNXOOGAN OO KA DHACDAY BUQDA AQABLE.