DHAQAALE XUMI SOO WAJAHDAY KOOXDA ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanayo caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaayo in Dawladda Federaalka Soomaaliya ey shaacisay in kooxda Alshabaab ey wajahayso dhaqaale xumidii ugu darneed ka dib markii ey dawladda Federaalka Soomaliya ey kooxda Alshabaab ku qaaday dagaal dhinaca dhaqaalaha ah waxa eyna dawladda Federaalka ku guulaysatay iney xirto Akoono ka badan ilaa 350-akoon iyo 500-lambar Telefoon oo lacagaha la isugu xawili jiray eyna iska laheed kooxda Alshabaab. In kooxda Alshabaab sidaan loo wiiqo dhaqaalahooda ayaa ku timid iskaashi dhexmaray hayadaha amniga iyo ganacsatada iska leh Bangiyada ka furan dalka gaar ahaan kuwood ka furan caasimadda Muqdisho.
ISHA/CAASIMADDA.