DHAC FASHILMAY OO KA DHACAY DALKA KENYA.

(KENYA):Dalka kenya waxaa maanta oo Talaada ah(23/11/2021)-ka ka dhacay dhac hubaysan oo loo gaystay banki ka mida bankiyadda dalkaas lana yiraahdo EQUITY BANK bankigaan ayaa waxaa soo weeraray afar qofood oo aad hubaysnaay waxa eeyna gudaha u galeen bankigii oo eey ku sugnaayeen macaamiishii bankiga qaar kalane dibadda bankiga ayey joogeen,arrinta la yaabka leh ee halkaas ka dhacday ayaa ah in tuugta soo weerartay bankiga eey sameeyeen qarax laga soo sameeyey gaaska dadka ka ilmeeysiya(Tear Gas) waxa uuna gaskaas sababay in ciidamadii booliska kala aqoon waayaan tuugtii, shaqaalihii bankiga iyo dadkii bankiga u yimid ineey hawlahooda ka dhammaystaan,arrintaan ayaa sababtay in la wada xiro dhamaan shaqaalihii bankiga iyo dadkii macaamiisha ahaay oo waxa aweli ku socdo wareysiyo.ISHA STAR.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

BENZEMA OO XABSI IYO GANAAX LA ISUGU DERAY.

Next
Next

NOORWEEY OO DIB U CELISAY…