DFS OO DIGIIN KAMA DAMBAYS AH SIISAY SOOMAALILAND.

(SAWIRKA)-WASIIRAD FARDAWSA.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii Itoobiya iyo Soomaliland ey kala saxiixdeen heshiiskii is afgaradka ahaay eyna ka soo horjeesatay Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isa soo taraayey carqaladeynta diyaaradaha isticmaala hawada sare ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,carqaladeyntaas ayaa lagu ogaaday ka dib markii la carqaladeeyey diyaarad ey leedahay Isra’iil oo mareysay hawada sare ee dalka Soomaaliya. Dawladda Isra’iil ayaa cabasho waxa ey u gudbisay DFS una sheegtay in carqaladeyn lagu sameeyey diyaradooda markii ey mareysay hawada sare ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta Waqooyi ee dhulka Soomaliyeed kuna dhaw Badda Cas,hadaba arrintaan dhacday todobaadkii hore ayey Dawaladda Federaalka Soomaaliya waxa ey digniin adag u dirtay maamulka Soomaaliland kagana digtay carqaladeynta ey sameymeyneyso,wararka qaar ayaa sheegaayo in hadda dhammaan raadiyeyaashii lagula hadlaayey diyaaradaha mara hawada sare ee Soomaaliya ee yiilay caasimadda hargeysa loo soo wareejiyey Muqdisho oo Hargeysa maanta awoodi karin iney hawada sare diyaarad mareyso la hadli karto,arrintaan ayaa waxaa ka hadashay wasiiraadda Gadiidka dhulka iyo Cirka ee XFS Marwo Xildhibaanad Fardawsa.

ISHA/HIIRAA.

HALKAN KA SI AKHRI.

Previous
Previous

INGIRIISKU MA AQOONSAN DOONAA BAASABOORKA SOOMAALIYA?

Next
Next

KOOFI,CABDUL IYO SAABEEY OO LA MAXKAMDEYN DOONO….