DENI IYO SHIDDO OO IMAARAATKA U JOOGO IIBINTA..
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO FURAAYO DHISMAHA DEKEDDA GARACAD PUNTLAND.
(GAALKACYO)-Dalka Isutaga Imaaraatka Carabta(UAE) ayaa la wareegay gacan ku haynta dekedda Garacad. Shirkadda Wadaagsan oo awood u leh dekedda Garacada ayaa shaacisay iney wada hadal kula jirto shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta oo taageero dhaqaale u raadineysa dekedda Garacad ee maamulka Puntland. Madaxweynah Dawlad Goboleedka Puntland Siciid Deni iyo Agaasimaha Shirkadda Wadaagsan Warsame Shiddo ayaa hadda ku sugan dalka Imaaraatka Carabta si ey ugu wareejiyaan lahaanshaha dekedda Garacad. Shirkadda DPWorld ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa horay u maamuli jirtay dekedda magaaladda Boosaaso waxa eyna ku Guul daraysatay iney xoojiso kaabayaasha dhaqaalaha Puntland taas bedelkeedana waxay kordhisay Canshuuraha lagu soo rogo hawlaha ka socdo dekedda Boosaaso. Dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in ujeedka dalka Isutaga Imaaratka Carabta ey tahay Cuuryaamin la cuuryaaminaayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku shirkoobay dhisidda dekedaa Garacad si eysan suuqa ugula tartamin dekedda Boosaaso oo ey maamusho shirkad laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta lana yiraahdo DPWorld,la wareegidda dalka Isutaga Imaaraatka Carabta uu la wareegay dekedda Garacad ayaa u macneysan in dekedda Garacad noqon doonin mid ganacsi balse ey noqon doonto mid Ciidan uu iska leeyahay Imaaraatka.
ISHA/SB-MEDIA.