DAWLADDA ITOOBIYA OO KU TUMATAY SHARCIGA CAALAMIGA AH.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA ITOOBIYA EE KA SOO GUDBAY XUDUUDKA G/GEDO.

(MUQDISHO)-Weli waxaa taagan ismari waagii u dhexeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Gobleedka Jubaland,xaalku hadda waxa uu marayaa meeshii ugu xumeed abid uu gaaro,waxaane soo baxaayo warar aan muujineyn wax farxad ah oo lagu gaari karo xal. Dawladda Itoobiya oo hadda u muuqata mid laga saaray Hawlgaladda Nabadda ee Soomaaliya kaaso bilaaban doono horaanta sannadka-2025-ka ayaa waxay wadaa arrimo aan ka farxineyn shacabka Soomaaliyeed iyo dawladiisa waxa eyna faragelin qaawan ku haysaa Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya. DFS ayaa dawladda Itoobiya ku eedeysay iney Hub iyo saanad ciidan ey geysay magaaladda Kismaayo ee ah caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubaland si ugu taageerto Hogaamiyaha ey is hayaan DFS ee Axmed Madoobe. Dawladda Itoobiya oo ka faa’iideysaneysa khilaafka taagan ayaa hadda wada arrimo sababi kara in DF Soomaaliya iney qaado talaabo ey ku difaaceyso dhulkeed iyo dadkeeda si Beesha Caalamku u aragto waxa jira waxa ey yihiin,hadaba arrintaas taagan maanta ayey DFS waxa ey ka soo saartay War-Sxaafadeed ey kaga hadleyso dhacdadaan.

ISHA-GOOBJOOG.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DFS OO DALKA DIB UGU SOO CELISAY DHALLINYARO…

Next
Next

BAARLAMAANKA JFS OO QAADAY TALAABO.