DAROOGADII UGU BADNEED OO MUQDISHO LAGU QABTAY.
(SAWIRKA)-DAROOGADII LA QABTAY.
(MUQDISHO)-Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Md.C/Fataax Adan Xasan ayaa maanta shir Jaraa’id uu ku qabtay magaaladda Muqdisho kaga hadlay arrimo fara badan oo ey ka mid yihiin Daroogo la qabtay, Gacan ku dhiigleyaal la soo qabtay iyo afduub loo geystay askeri ka tirsan ciidamadda DFS. Afhayeenka ayaa markaan waxa uu si qoto dheer uu uga hadlay waxyaabihii ey soo qabteen Hayadaha Amnaanka ee DFS waxa uuna sheegay in gacanta lagu soo dhigay Gacan ku dhiigleyaal falal dil ah ka geystay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho,sida dil shalay ka dhacay Degmada Xamar Weyne oo gacan ku dhiiglihii la soo qabtay hadane ey ku socoto baaris. Afhayeen C/fataax ayaa xusay dil ka dhacay degmada Xamar Jajab Waaxda 4-aad ee Jineral Da’ud ee G/banaadir dilkaaso ayaa loo geystay hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fawsiyo Cali, waxaane hooyadaas dilay ninkii ey u dhaxday oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Maxamud oo 34-jir ah kaaso hadda ku jira gacanta Hayaddaha Amaanka caasimadda Muqdisho,Dilka hooyo Fawsiyo ayaa loo isticmaalay Tooreey waxaane Tooreyda looga dhuftay dhawr meelood oo jirkeeda ka mid ah,waxa eyna u dhimatay dhaawacyadii ka soo gaaray oo ahaa kuwa aad u culus,welina lama sheegin sababta keentay in Hooyo Fawsiyo uu nafta dhaafiyo seygeedii ey u dhaxday. Gacn ku dhiiglayaasha hadda la haayo kuna jira gacanta Hayadaha Amniga ayaa waxaa ka mid ah:(1)-Abshir Ibraahim Dhegay,waxa uu dil ka gaystay degmada cusub ee Gubadleey ee G/banaadir. (2)-C/kaafi C/qaadir Maxamed, Waxa uu dil ka geystay degmada Shibis ee G/banaadir taariilkdu markeey ahayd 14/12/24-ka. (3)-Bootaan Jaamac Maxamed, Waxa uu dil ka geystay Degmada Y/shiid ee G/banaadir. Dhinaca kale, Hayadaha Amaanka Caasimadda Muqdisho ayaa soo bandhigay Maandooriyaha XASHIISHKA oo laga soo buuxiyey Juuniyo gaarayo ilaa lix Juun kuwaaso loo weday shabakad ka ganacsata kuna sugan caasimadda Muqdisho balse sida la sheegay lagu daba jiro bacdamaa la haayo ragii weday iyo magacyada dadka loo weday Daroogada. Sida muuqata waxaa soo afjarmaayo ka ganacsiga Maandooriyaha gudaha caasimadda Muqdisho waayo weli lama qaban Daroogo cadadeedu ey intaa dhan tahay,waxaane muuqata isla shaqeyn wanaagsan kana dhexeysa Hayadaha Amniga caasimadda Muqdisho iyo dadweynaha degan G/banaadir. Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu dambeyntii sheegay in gacanta lagu soo dhigay rag ka tirsan Ciidamadda DFS kuwaaso afduubtay askeri kale oo saaxibkooda ah ka dib markii uu ku guuleystay QAMAARKA 1XBET,waxa uuna helay dhaqaale dhan ilaa $60-kun oo doolarka Maraykanka ah,lacagtii lama sheegin lagu qabtay iyo in kale balse in dhammaantooda la haayo ayuu sheegay Afhayee C/fataax.
ISHA-BOOLISKA.